By: Ladan //  Aug 18 2010 at 9:23 am //  241 Reads  // Wararka Somalia

Qeylow” waa been ma jiro Askari ka tirsan DKMG Somalia oo la qabsaday”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Isagoo la hadlayay saxaafada Afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda KMG Sheekh C/risaaq Qeylow ayuu ku beeniyay in askari ka tirsan dowladda maxaabiis ahaan loo qabsaday dagaaladii ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan kaa maanta ahaa maalinkiisa 2-aad oo uu ka dhaco degmadaasi.
Ururka Xisbul Islaam ayaa shalay waxa ay saxaafadda ku tusiyay magaalada Muqdisho askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada dowladda KMG, kaasoo Xisbul Islaam ay sheegay inuu dagaal ku qabsaday waa sida ay sheegayaan saraakiisha Ururka oo xiligaasi la hadlayay saxaafada.

C/risaaq Maxamed Qeylow, afhayeenka wasaaradda warfaafinta dowladda KMG ayaa beeniyay arrintaasi, wuxuuna ku tilmaamay wax aan suurta gal aheyn in xiligaan ay dhacdo arin ceynkaa oo kala ah taa oo uu sheegay in ay ka mid tahay wararka mar waliba ay sheegteen kooxaha ka soo horjeeda DKMG Somalia ee ah in ay meel qabsadeen ama Askar ay ka qabsadeen Ciidamda DKMG Somalia.

Dhanka kale, Wuxuu qiray Dareeska ciidamada dowladda in ay yaalaan suuqyada Magaalada Muqdisho balse askarigaasi la soo bandhigay uusan ka tirsaneen ciidamada dowladda KMG.

Inta badan waxaa dhaca falalka ceynkaa oo kale ee ah in labada dhinac ay soo bandhigaan maxaabiis ama Askar iskooda u soo goostay taa oo ay soo bandhigaan midba midka kale marka ay dhacdo in uu u faano dhinac kale.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments