By: Mastar //  Nov 21 2011 at 1:22 pm //  1,474 Reads  // Wararka Somalia

Dagaalo faraha looga gubtay oo maanta ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose iyo Shabaab oo khasaaro loo-geystay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo faraha looga gubtay ayaa waxay maanta ka dhaceen duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay u dhaxeeyeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay weeraro ku qaadeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, oo maraayay inta u dhaxeysa deegaanada Xayo iyo Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa waxaa goobtaasi ku dhex maray dagaalo culus, oo si weyn looga maqlaayay deegaanadii ay ku dagaalameen, kadib markii ay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si weyn ay iskaga caabiyeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo markaasi iyagu ku soo qaaday dagaalo kedis ah, isla-markaana dagaalada ayaa waxay geysteen khasaarooyin kala duwan.

Dagaaladaan ayaa waxaa la-sheegay inay ku dhinteen ciidamo badan oo ka tirsan labada dhinac, laakiin khasaaraha ugu badan ayaa waxaa la-sheegay inay gaareen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo iyagu weerarada soo qaaday.

Dadka ku dhaqan deegaanka Xayo ayaa waxay warbaahinta u sheegeen inay arkayeen Ciidamadda Shabaab oo wada, meydadka qaar ka tirsan ciidamadooda, oo ay maanta dilleen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Arintaan ayaysan weli ka kala hadlin Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, hase yeeshee wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkayna dambe, ee soo socda.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments