Wasiiro ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray degmada Dhoobleey iyo Axmed Madoobe oo si weyn u soo dhaweeyay
Wasiiro ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta gaareen degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Axmed Madoobe.
Wefdi balaaran oo uu horkacaayay Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Wahaab Ugaas Khaliif, ayaa waxay maanta gaareen degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wefdiga uu hor-kacaayay masuulkaan ayaa waxaa laga xusi karaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Samad Macalin Maxamuud iyo Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye.
Wefdigaan ayaa waxay shir balaaran ay maanta degmada Dhoobleey kula qaateen Gudoomiyaha Jabhadda Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Sheekh Axmed Madoobe”, oo dagaalo culus kula jira Xarakada Al Shabaab.
Waxaa la-sheegay inay si weyn uga hadlaan qodobo ay ka mid yihiin ammaanka goobaha ay ka saareen Xoogaga Shabaab iyo sidii Xoogaga Shabaab ay uga saari lahaayeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo dhan.
Labada dhinac ayaa waxay ku heshiiyeen in si toos ah loola dagaalamo Xarakada Al Shabaab, oo ay ku tilmaameen mid dhibaato xoogan ku heysa shacabka Soomaaliyeed, waxayna qalinka ku duuggeen in Shabaab laga sifeeyo dalka Soomaaliya.
Ugu dambeen Gudoomiyaha Jabhadda Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Sheekh Axmed Madoobe”, ayaa wuxuu soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Wasiirada Dowladda Soomaaliya.
|
|


Print
