By: Mastar //  Nov 19 2011 at 7:46 am //  330 Reads  // Wararka Somalia

Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo askari kale ku dillay magaaladda Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa soo badaneysa askarta Dowladda Soomaaliya ee sida weyn leh iskugu dilleysa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, taasoo ay walaac xoogan ka muujisay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu askari kale uu ku dillay gudaha degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir, waxayna baqdin ku dhalisay shacabka ku dhaqan degmada Wardhiigleey.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaruunta Degmada Wardhiigleey, isla-markaana dilka ayaa yimid, kadib markii uu murun soo kala dhex kale labada askari, taasoo ka dambeysay in meeshaasi lagu dillo mid ka mid ah.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa durbaba soo xoomay Ciidamadda Booliska ee Dowladda Soomaaliya, isla-markaana waxay gacanta ay ku soo dhigeen gacan ku dhiiglaha.

Gacan ku dhiiglaha ayaa waxaa lagu xiray Saldhiga Degmada Wardhiigleey, isla-markaana waxaa goobtaasi laga qaaday meydka marxuumkii geeriyooday, kaasoo la-geeyay cisbitaalada ku yaalla caasimadda.

Si kastaba ha-ahaatee majirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo ku aadan dilka ka dhacay gudaha degmada Wardhiigleey, hase ahaatee waxaa iska cad in isagana la-toogan doono, askarigii maanta dilka u geystay askarigii kale.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments