Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen ay Gaallada la-safteen
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu sheegay in Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen ay la-garab safteen Gaallada, isagoo taasi ku tilmaamay mid aan wanaagsaneen.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, oo boqolaal ruux shalay kula hadlay deegaanka Calaamadaha ee duleedka magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen uu ugu yeeray inay la-garab saftaan Xarakada Al Shabaab.
“Abgaaloow waxaad aheydeen dad ahlu Qur’aan ah ee maxaad daba dhilif ugu noqoteen cadawga, awal Itoobiya ayaad dabada ka riixdeen, hadana AMISOM iyo murtadiinta ayaad taageereysaan ee Ilaah ka baqa oo Islaamka garabka siiya”.
“Waxaan leeyahay beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen waxaad ka hiiliseen Islaamka ee Gaallada ka soo laabta Islaamka ayaa idiin baahan ee ka hara Gaaladda aad daba ordeysaan oo diinta difaaca”.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku booriyay inay garab siiyaan Xarakada Al Shabaab, oo uu iyadu sheegay inay tahay mid bad-baadineysa shacabka dalka iyo dadka Somaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay’e.
Ugu dambeen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen uu ka dalbaday inay taageeraan Xarakada Al Shabaab.
|
|


Print
