Dowladda Somaliya oo si layaab leh u sheegtay inaysan waxba ka qaban karin laba askari oo maanta wiil dhalinyaro ah dillay
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si layaab leh u sheegtay inaysan waxba ka qaban karin laba askari oo maanta wiil dhalinyaro ah ku dillay degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.
Wiil dhalinyaro oo si weyn looga yaqaano degmada Xamar Weyne oo lagu magacaabo Cali Ubbo, ayaa waxaa maanta lagu dillay Xaafadda Cadeyga ee degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.
Labada askari ee dilka geysatay oo ay yaqaanaan Maamulka Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay sheegeen inaysan waxba ka qaban karin.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya C/Laahi Ibraahim Sahal Gardhuub, oo Saxaafadda kula hadlay degmada Xamar Weyne, ayaa wuxuu sheegay inaysan askartaasi waxba ka qaban karin.
Sababaha aysan waxba uga qaban karin, ayaa wuxuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xabsiyada ka sii deyso askarta Dowladda Soomaaliya, marka gacanta lagu soo dhiggo iyagoo geystay dembiyo kala duwan, taasi ayaa wuxuu ku macneeyay in Dowladda Somaliya aysan dooneen, in shacabka wax laga qabto dhibaatada loo-geysanaayo.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya C/Laahi Ibraahim Sahal Gardhuub, ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya uu ugu baaqay in uu la-yimaado, ficil dhab ah oo wax looga qaban karo dhibaatada askarta Dowladda Soomaaliya.
|
|


Print
