Dowlada kenya ayaa sheegtay in Dowlda Eritrea ay Al shabab gacan balaaran kasiiso dhinaca hubka.
Warka soo baxay wasaarada gaashandhiga dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wadanka Eritrea laga leeyahay labo diyaaradood oo hub u siday xarakada Shabaab kuwaas oo ka soo degay magalada Baydhabo ee gobolka Baay,
Warbixintan ayaa lagu sheegay in labadan diyaaradood ay si toosa uga soo kicitimeen wadanka Eritrea si ay hub ugu geeyaan xarakada Shabababul mujahidin ee dagaalada kula jira ciidamada wadanka Kenya,
Dadka ka falanqooda arimahan ayaa tilmaamaya in Eritrea ay si cad u jabisay cahdigii qaramada midoobay ee cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay 23 bishii jenuary ee sanadii 1992 dii ,
Afhayeenka wasaarada gaashandhiga Kenya mr Emanual Chir chir oo fariin qoraala ku baahiyay shabadaka dhinaca internetka ee Twitterka ayaa digniino u jeedinayay shacabka ku dhaqan magaalooyin dhowra oo ayku jiraan magaalada Baardheere, Baydhabo, Diinsoor, Afgooye , Baraawe iyo meelo kale isagoo sheegay in ciidamadoodu ay duqeymo ka geysan doonan degaanadaas uu magacaabay ,
Afhayeenku waxaa uu xusay ciidamda Kenay in ay hore ugu socdaan degaano horleh isagoo geesta kalena cadeeyay in dagaalo maalmo ka hor ay la kulmeen ciidamadooda iyo xarakada Shabaab ay ka dhasheen qasaare nafeed oo soo gaaray labada dhinac sida uu qeexay afhayeenka wasaarada gaashandhiga Kenya,
Dhowaan ayay ahayd markii madaxweynaha Eritrea Asiyas Afawarki uu heshiis lagalay qaarka mid ah madaxda ku midoobay urur goboleedka IGAD iyo midowga Africa isagoona iska fogeeyey eedeymo loo soo jeediyay dowladiisa oo ay ka mid ahayeen taageerada hoose ay siineyso xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta wadanka Somaliya .
|
|


Print

