Dowladda Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in loo-dhan yahay dagaalada lagu burburinaayo Al Shabaab
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in loo-dhan yahay dagaalada xoogan ee lagu burburinaayo Xarakada Al Shabaab, iyadoo shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay dhibaato baahsan ku heyso meelo badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in xalku uu ku jiro in meesha laga saaro Xarakada Al Shabaab, oo ay sheegtay inay duullaano qorsheysan ku soo qaaday shacabka Soomaaliyeed, sidaasi daraadeed waxay sheegtay inay meesha ka saari doonaan.
Dowladda ayaa waxay kaloo sheegtay in Ciidamadda Dowladda Kenya ay kahor tagayaan khatarta uga imaaneysa Xarakada Al Shabaab, waxayna lagama maarmaan ay ku tilmaameeyn in Shabaab la-burburiyo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ahna Amniga Qaranka ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Samad Maxamuud Sheekh Xasan, oo isagu ku hadlaayay magaca Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dagaalada Al Shabaab loo-dhan yahay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu raali ka yahay in meesha laga saaro Xarakada Al Shabaab, oo uu sheegay inay dhibaato ku heyso shacabka Somaliyeed, Dowladda Kenya iyo Geeska Afrikaba.
Ugu dambeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ahna Amniga Qaranka ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Samad Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku dhigi doonaan dalka oo dhan.
|
|


Print
