By: Mastar //  Oct 31 2011 at 8:23 am //  1,392 Reads  // Wararka Somalia

Sheekh Fu’aad Shongolle oo arin uu layaabay ku arkay magaaladda Jowhar “Nin Noolow Maxaa Aragti Ku Laaban”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu maal-mahaanba uu ku sugan yahay magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Fu’aad Shongolle ayaa wuxuu marka hore uu magaaladda Jowhar uu ku arkay god dumarka dharka qafiifka qaata lagu ciqaabo oo ku yaalla hareeraha Nambar Uno ee magaaladad Jowhar, isla-markaana wuxuu sheegay in uu layaabay.

Sheekh Fu’aad ayaa wuxuu sheegay inaanan marnaba loo-baahneyn godkaasi lagu ciqaabaayo dumarka, wuxuuna sheegay in godkaasi lagu aasi doono si deg deg ah, isla-markaana uusan magaaladda Jowhar ka taggi doonin iyadoo aan godkaasi la-aasin.

Hadaba shalay ayaa waxay tageen Nambar Uno oo uu godka ku yaallo si loo-duuggo, hase ahaatee saraakiisha iyo ciidamadda halkaasi joogay ayaa diiday, waxayna ku dhaheen lama aasaayo, taasoo uu layaabay.

Fu’aad Shongolle oo goobtaasi ka sameeyay buuq iyo qaylo, ayaa waxaa loogu hanjabay in la-xiri doono haddii uu buuqa sii badiyo, hase ahaatee Fu’aad Shongolle oo careysan ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay xaafadda Horseed ee magaaladda Muqdisho.

Shalay galab ayaa wuxuu khudbad uu u jeediyay shacaka ku dhaqan magaaladda Jowhar, wuxuuna uu u sheegay in laga diiday in godkaasi la-aaso, laakiin wuxuu ku goodiyay inuu dacwad u gudbin doono hogaanka sare ee Al Shabaab.

Waa layaab in maanta Fu’aad Shongolle oo miisaan culus ku dhex leh Xarakada Al Shabaab in laga diido, in wixii uu dalbaday loo-sameyn waayo, waxayna tani noqoneysaa mid ku cusub hogaanka Al Shabaab.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments