By: Ladan //  Aug 12 2010 at 11:21 am //  649 Reads  // Wararka Somalia

Cabdi Ismaacil Samatar: ‘Burcad badeeda Soomaaliya joogtaa waa afar nooc’

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Daraasad ay soo saareen aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa lagu ogaaday in ciidamada reer Galbeedka ee u jooga xeebaha Soomaaliya la dagaalanka burcad badeedka ay wadaan xaalufin.

Darasadaan oo uu hormuud ka yahay Prof. Axmed Ismacil Samatar ayaa lagu ogaaday in ciidamada isku sheegaya in ay ka wadaan xeebaha Somalia howlaha ka dhanka ay burcada ay yihiin burcad kale.

Sababtaasi ayey u kucsadeen in ay guranayaan qeyraadka badda ee biyaha Soomaaliya, waxaa kale oo ay warbixintu faah faahin ka bixisay qarashka ku baxa ciidamdaaasi iyo guud ahaan qaababka burcad badeeda.

Prof. Cabdi Ismacil Samatar oo saakay la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in daraasad dheer kadib ay ogaadeen in burcad badeeda ka qaraabata xeebaha Soomaaliya ay ukala qeybsantahay afar qeybood.

“Waxa weeyaan, daraasadaan waxaa sameeyey aniga iyo rag kale oo ajnabi ah inkastoo aan aniga madax ka ahaa qoraalka oo dhanna aan gacanteyda ku qoray, waxaa inoo soo baxday in burcad badeeku ay afar u qeybsamaan, qeyb ah burcad badeed siyaasadee, qeyb ah burcad badeed u joogta in ay qeyraadka Soomaaliya gurtaan, qeybta sadexaad ayaa ah burcad badeed difaaceysa xeebaha Somalia kana dhiidhisay maraakiibta shisheeyaha ee ka kallumeysta xeebaheena, kuwa afraad waa burcad badeeda caadiga ah ee madax furashada dadka weydiista” ayuu yiri Mr Samatar.

Waa marki ugu horeysay oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed warbixin sidaasi u faah faahsan kasoo saaraan burcad badeeda Soomaaliya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments