By: Mastar //  Oct 27 2011 at 5:45 pm //  1,768 Reads  // Wararka Somalia

Dagaalo galabta dhex maray Ciidamadda Kenya iyo Shabaab, iyo Ciidamadda Dowladda Kenya oo uu khasaaro soo gaaray

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo kedis ah ayaa waxay galabta ka dhaceyn Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo uu u dhaxeeyay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya.

Dagaalada ayaa waxay ka dhaceen inta u dhaxeysa degmada Dhoobleey iyo deegaanka Taabto, isla-markaana dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamadda Dowladda Kenya oo wadada maraayay, ay jidka u galleen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa waxay ka soo baxeyn degmada Dhoobleey, waxayna ku soo jeedeen deegaanka Taabto, hase ahaatee inta u dhaxeyso Taabto iyo Dhoobleey ayaa waxaa wadada u gallay ciidamo ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay Ciidamadda Dowladda Kenya ay ku garaaceen Baasuukaha garabka laga tuuro, kuwaa oo ay wax-yeelo ka soo gaareyn baabuurta dagaalka oo ay wateen Ciidamadda Dowladda Kenya.

Ciidamadda Kenya ayaa waxaa la-sheegay in uu iyagu xataa soo gaaray khasaaro kala duwan, hase ahaatee lama haayo warar intaasi ka badan, isla-markaana warkaan ayaa waxaa caawa Saxaafadda u sheegay shacabka ku dhaqan inta u dhaxeysa Dhoobleey iyo Taabto.

Ugu dambeen Ciidamadda Dowladda Kenya iyo kuwa Shabaab oo uu markii dambe dhex maray dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, ayay dib u gurteen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo iyagu madaafiic ku garaacay Ciidamadda Dowladda Kenya.

Faah faahinta warkaan kala soco wararkayna dambe.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments