Dagaalo maanta ka soconaaya degmada Dayniile iyo duqeymo xoogan oo xalay Dayniile lagu garaacay

Published on Oct 24 2011 By: Dhaliye //  4,254 Reads  // Wararka Somalia


Dagaalo goos goos ah ayaa waxay maanta ka soconayaan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana xalay degmada Dayniile lagu garaacay madaafiic aad u xoogan.

Ciidamadda Amisom ayaa waxay xalay madaafiic xoogan ku garaaceen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxayna madaafiicdu qeyb ka ahaayeen qorshaha la-doonaayo in Xarakada Al Shabaab looga saaraayo degmada Dayniile.

Duqeymaha xalay lagu duqeeyay degmada Dayniile, ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u xoogan, isla-markaana waxaa laga wada maqlaayay deegaanada loo-barakacay iyo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Marka laga soo taggo duqeymaha xalay lagu garaacay degmada Dayniile, ayaa waxaa maanta ka soconeyso dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo garbsanaaya Ciidamadda Amisom iyo Xarakada Al Shabaab oo dhinac ah.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay iyadu sheegtay inay difaacan doonto gacan ku heynta degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxay kaloo sheegtay inay dalka oo dhan xoog uga saari doonto Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay shalay shaaca ka qaadeen inay sii wadi doonaan dagaalo culus ee ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.

Related posts:

  1. Dagaalo goos goos ah iyo duqeymo xoogan oo ka soconaaya degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir
  2. Barakac xoogan oo maanta ka soconaaya degmada Dayniile iyo dagaalo xoogan oo wli ka soconaaya
  3. Wararkii ugu dambeeyay degmada Dayniile iyo dagaalo maanta ka soconaaya degmadaasi
  4. Wararkii ugu dambeeyay dagaalo qaraar oo lagu la’day oo xalay ka dhacay degmada Dayniile
  5. Madaafiic xoogan oo galabta lagu garaacaayo degmada Dayniile iyo xaaladda oo weli cakiran

4 Comments

  1. Deka says:

    Waan ka xumahay islaamka lagumadayo insha alah guusha islaamka ayee u dan bey doonta xaqana wuu soo dahiraya

  2. مهد says:

    مهد علي طكة
    anigo ah mahad ali dhakat waxaan aad u jaclan laha in an ka mid noqdo wariyasha webka daynile waxaad igala la so xiriri kartana emailkan o ah
    :mahaduk10@hotmail.com/ama/mahadfmg1@hotmail.com/thank u so good

  3. mahad says:

    wan kaxunahay muslimiinta wax kugareen duqeentii xalay

  4. Idacada ridada iyo kufarta afrikanta ayathn

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...