By: Mastar //  Oct 23 2011 at 4:57 pm //  1,360 Reads  // Wararka Somalia

Xarakada Al Shabaab oo ka hadashay duqeymaha maanta lagu garaacay magaaladda Kismaayo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ka hadashay duqeymaha xoogan ee maanta lagu garaacay magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay Al Shabaab sheegtay inay ka jawaabi doonto.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Jubbada Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali, oo goor dhaw la-hadlay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu kaga hadlay duqeymaha maanta lagu garaacay magaalo xeebeedka ee Kismaayo.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inaysan marka hore wax khasaaro ah ka soo gaarin duqeymahaasi, isagoo sheegay inay ka nabad galleen, marka laga reebo buu yiri burbur soo gaaray goobaha la-duqeeyay.

Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayaa wuxuu sheegay in xaaladda magaaladda Kismaayo ay tahay mid aad u deggan, isla-markaana wuxuu sheegay in shacabku ay doonayaan inay ka aar-gutaan Dowladda Kenya, oo uu sheegay inay qaraxyadu fullisay.

Sheekh Yacquub ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka aar-gudan doonto Dowladda Kenya oo uu sheegay inay duullaano iyo daan-daansi ku soo qaaday dalka Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Kenya, hase ahaatee Dowladda Kenya ayaa waxay ku goodisay inay cagta marin doonto Xarakada Al Shabaab, oo ay sheegtay inay khatar ku tahay ammaanka dalka Kenya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook