By: Mastar //  Oct 18 2011 at 4:39 pm //  1,166 Reads  // Wararka Somalia

Wararkii ugu dambeeyay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa maanta lala beegsaday meel ku dhaw Xaruuntii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Gaari Kaarib ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo ayna saaran yihiin laba nin oo naftood hurayaal ah, ayaa waxaa lala doonaayay in lagu qarxiyo Xaruuntii Hore ee Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ee Dalka Soomaaliya oo ku taalla meel ku dhaw Isgoysja Banaadir ee magaaladda Muqdisho.

Gaariga ayaa qarxay markii lagu joojiyay bar control oo ku taalla meel dibadda ka ah Xaruuntii Hore ee Wasaaraddii Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho, waxaana gaarigaan saarnaa ilaa laba nin.

Markii la-joojiyay ayay isku qarxiyeen goobtaasi, waxaana goobtaasi ku dhintay todobo ruux, oo ay ka mid yihiin labadii nin ee gaarigaan wadatay, kuwaa oo iyagu isku qarxiyay meel aysan joogin Madaxda Dowladda Somaliya, waxayna tani ay dhabar jab ku noqoneysaa Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale weerarkaan ismiidaaminta ah ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 10 ruux, kuwaa oo dhaawacyadoodu loo-qaaday cisbitaalada waaweyn ee ku yaalla magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Cisbitaaladda Madiina iyo Banaadir.

Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay ka kala gaabsadeen inay ka hadlaan dhacdadaan, oo si weyn maanta u ruxday dareenka shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho.

Hase ahaatee lasoco wixii warar ah ee kusoo kordha.






Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments