Madaxweyne Shariif oo sheegay in lagaaray xilkii Dalka gacanta lagu dhigi lahaa.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xafalad lagu dalacsiinayey saraakiil ka tirsan ciidamada maleteriga dowlada KMG ah ee Soomaalliya kuwaasi oo gaaray 20 sarkaal oo kala lahaa darajo kala duwan ayaa sheegay in lagaaray xilii dalka gacanta lagu dhigi lahaa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa ku booroyey Madaxweyne Shariif ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya in ay ka so dhalaalaan waajibaadka saaran, waxa uuna sheegay in Dowlada KMG ahmiyada koowaad ay siin doonto ciidamada qalabka sida ee uu sheegay in ay u istaageen dib u soo celinta amaanka Dalka Soomaaliya.
” waxaan aad uga xumay in ciidamada qalabka sida baahidooda ay dhameeystirneeyn hasa ahaatee waxaan ugu bishaareeynayaa in la gaaray xilii laga bixi lahaa wax kasta oo dhibaato ah dowladuna ay u soo jeesatay haqab tirka Ciidamada qalabka sida, waxaa lagaaray xiligii dalka gacanta lagu dhigi lahaa waajibaadka ciidamada ayaa ah in dalka nabadii iyo kala danbeeyntii ay soo celiyaan, dowlada waxa ay taageerada koowaad siin doontaan ciidamada qalab sida, waxaana ogtaan in idinka ka la doonayo in aad badbaadisaan qaranka iyo diinta lagu soo duulay,
Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya ay ku soo duleen dad doonaya in burburiyaan karaamada umada soomaaliya islamarkaana Badalaya diin soo degtay 1400 ka hor.
Sidoo kale waxaa xaflad lagu dalacsiinayey saraakiiha ka tirsan ciidamada Meleteriga Dowlada KMG Soomaaliya ka hadlay taliyaha ciidamada Meleteriga , waxaa uuna sheegay in ay sooo gabo gaboobeen howlaha ciidamada Dowlada KM<G , waxa uuna sheegay in ciidamada diyaar u yihiiin in ay dagaal qaadaan.
Hadalkaan ka soo baxay Masdaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa dereen gelinaya xoogaga hubeeysan ee ka soo horjeeda Dowlada KMG Soomaaliya kuwaasi oo had iyo goor isho ku haya dhaqdhaqaayada c Dowlada KMG Soomaaliya inkastoo aysan ahaayn markii ugu horeeysay ee Madaxweyne Shariif uu sheegay in la gaaray waqtigii dalka Dowlada ay gacanta ku dhigi la lahayd.
|
|


Print
