Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in khasasaro xoogan ay u geysatay Ciidamadda Dowladda
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dishay ciidamo ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, kuwaa oo ay sheegtay inay u kala dishay siyaabooyin kala duwan.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay guulo ka gaareen dagaalo ka kala dhacay duleedka degmada Garbahaarey iyo duleedka Beled Xaawo.
Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in shalay oo kaliya ay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ka dilleen ciidamo aad u badan, kuwaa oo uu sheegay inay ku dilleen deegaan Rees Qodey ee duleedka magaaladda Garbahaarey.
Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu kaloo sheegay inay saakay dilleen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, oo doonaayay buu yiri inay aadaan magaaladda Garbahaarey, kuwaa oo uu sheegay inay laayeen.
Sheekha ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada xoogga leh ee ay kula jiraan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo uu sheegay inay dalka ku soo duulleen.
Dowladda Soomaaliya ayaanan ka hadlin dagaalada xoogga leh ee maanta ka dhacay duleedka degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana saacadaha soo socda dhici kareysa inay ka hadasho.
|
|


Print
