Dowladda Soomaaliya oo maanta shaaca ka qaaday sababaha diyuurado loogu arkaayo Hawada Jubbada Hoose
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ka warbixisay sababaha dhabta ah ee keenay, in diyuurado dhawr nooc leh lagu arko Hawada Gobolka Jubbada Hoose, oo ay intiisu badan gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga Jubbooyinka Cornel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay ciidamo xoogan soo gellisay Gobolka Jubbada Hoose, kuwaa oo ay ku dooneyso buu yiri inay dib ugula wareegto degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga Jubbooyinka Cornel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu sheegay maadaama ay sidaasi damacsan tahay Xarakada Al Shabaab, in Maraykanka iyo Urur Goboleedka Igad ay doonayaan, in Dowladda Somaliya ay ka saacidaan dhinaca hawada ee la-dagaalanka Shabaab.
Cornel Maxamed Faarax Daahir ayaa wuxuu sheegay in Maraykanka uu doonayo inuu burburiyo, dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka wado Gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso tallabadaasi oo uu sheegay inay tahay mid aad u wanaagsan, iyadoo dhinaca kalana uu sheegay inay dhawaan Shabaab kala wareegi doonaan Gobolada Jubbooyinka oo idil.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga Jubbooyinka Cornel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu uu dambeen uu sheegay inay jiraan qorshayaal balaaran oo uu sheegay, inay Al Shabaab ugala wareegi doonaan Gobolka Jubbada Hoose oo idil.
|
|


Print
