By: Mastar //  Sep 23 2011 at 1:33 pm //  384 Reads  // Wararka Somalia

Banaan-baxyo roob doon ah oo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Banaan-bax balaaran oo roob doon ah ayaa wuxuu maanta ka dhacay dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galleen dhawr kun oo qof oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda.

Banaan-baxaan ayaa wuxuu maanta ka dhacay Wadada dheer ee Tarbuunka, waxaana ka soo qeyb gallay xubno ka tirsan Dowladda Somaliya, xubno ka mid ah sama-falayaasha ku sugan magaaladda Muqdisho iyo shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee xilliyadii ugu dambeysay ku sugnaa magaaladda Muqdisho.

Dibad-baxaan ayaa waxaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, isla-markaana wuxuu si diiran uu uga hadlay dhibaatada maanta ka jirta magaaladda Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in dhibaatada maanta ka jirta dalka Somaliya ay sabab u tahay, dhiigga sida macno darada leh loo-baneysanaayo, isla-markaana loo-dillaayo dad aanan waxba galabsan.

Sidoo kale Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ugu baaqay inay hubka dhigaan, oo ay dhinac ka raacaan dadkooda Soomaaliyeed, si wax looga qabto xaaladda adag ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo banaan-bax roob doon a uu ka dhaco magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, tan iyo markii ay bilowdeen abaaraha baaxada leh ee ka jira Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka Soomaaliya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments