Xarakada Al Shabaab oo maanta shaaca ka qaaday inaysan afduub u geysan haweyney u dhalatay dalka Ingiriiska
Xarakada Al Shabaab oo la-sheegay inay dilleen nin u dhashay dalka Ingriiska ayna afduubteen xaaskii uu qabay, ayaa waxay maanta sheegtay inaysan afduub u geysan haweyney u dhalatay dalka Ingiriiska.
Wakaaladda Wararka ee AP ayaa waxay maanta ay sii deysay war ay Xarakada Al Shabaab ku beenineyso, inay afduub u geysatay haweyney u dhalatay dalka Ingiriiska, halka ninkii qabayna ay sheegeen inaysan dillin, xilli ay ku sugnaayeen meel loo-dalxiis taggo oo ku taalla xuduudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo lagu magacaabo Kiwayu Safari Village.
AP ayaa waxay khadka teleefanka ay kula xiriirtay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kaasoo ka gaabsaday magaciisa iyo halka uu jooggo, isagoo sheegay inaysan afduub u geysan haweyney u dhalatay dalka Ingiriiska, isla-markaana wuxuu sheegay inaysan dillin ninkii qabay.
Masuulkaan oo magaciisa iyo goobta uu jooggo ka gaabsaday ayaa wuxuu sheegay, in dhawaan ay soo saari doonaan War Saxaafadeed uu sheegay, inay ku beenin doonaan inay iyagu ka dambeen arintaasi, laakiin sida uu sheegay ay ka dambeeyeen kooxo burcad oo hubeysan.
Dowladda Kenya ayaa waxay laba maalin kahor ay sheegtay in Xarakada Al Shabaab ay toogatay David Tebbutt oo 58 jir ah, halka ay afduubteen xaaskiisa Judith Tebbutt oo 56 jir ah.
|
|


Print
