Somalida dalka Kenya oo Maalinkii 2-aad xusaya Ciidul-fidriga. DAAWO SAWIRO
Farxad iyo damaashaadka maalinta ciida ayaa waxa ay aheyd mid maanta laga dareemaya qeyb badan oo ka mid dalka kan ee Kenya ayadoona dadka ay ku wada tukadeen salaada ciida boog fagaara ah oo ka baxsan masaajida sida caadada u ah Diinta Islaamka.
HAKLAAAN KA DHAGEYSO …
WARKA SIDA LOOGA CIIDAY DALKA KENYA
Dadka ayaa markii salaada laga baxay ka dib waxa ay ahaayeen kuwa ku dhax lugeenayay guud ahaan magaalada halka qaar kalana ay ahaayeen kuwa raacayay gawaarida si ay ugu socdaalaan magaalada.
Caruur aad u ququx badan iyo waalidiintooda ayaa lagu arkayay ayagoo dhax lugeenaya magaalada kuwaa oo ay ka muuqato farxada maalinta koobaad ee Ciidul-fidriga waxaana ay ahaayen dadkaasi ku u kala ordayay goobaha ugu caansan magaalada halkaa oo ay doonayeen in ay kusoo qaataan waqtigooda ayna isku soo sawiraan sida dhacda mar waliba oo la gaaro Ciida.
Farxadaas ayaa ahayd maanta mid ka wada siman dhamaan dadka reer Nairobi gaar ahaan guud ahaan gobolada dalka ayaa maanta waxaa looga ciiday si isku mid ah ka dib markii xalay la iclaanshay in maanta ay tahay ciida.
Dadka taagta yar oo ahaa kuwa aan wax sameyn ku reebi jirin xiliyada qaar ayaa ka mid ahaaa maanta dadkii farxada la qaatay inta kale ayadoona la arkayay dadka oo u kala cararaya sidii ay u gargaari lahaayeen dadka taaqta yar oo ay uga farxin lahaayeen maanta oo kale ciida.
Guud ahaan Dunida Islaamka ayaa maanta waxaa looga wada ciiday si isku mid ah ayadoona sidoo kale farxad ay aheyd mid si gooni ah looga dareemayay dadkii dhawaan ka soo fakaday abaarihii ka dhacay dalka Somalia ee ku sugnaa qeybo ka mid xeryooyinka dalka Kenya oo maanta ahaa kuwa aad ugu qanacsanaa bilashada Ciida oo wada camimtay farxadaasi xitaa ciroolaha.
|
|


Print






