By: Mastar //  Aug 30 2011 at 9:28 am //  367 Reads  // Wararka Somalia

Dalka Soomaaliya oo maanta si weyn looga ciiday marka laga reebo goobo cayiman

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxay maanta ay u Ciideen si weyn, iyadoo ay maanta shacabka soo bandhigeen sida ay ugu xiisaha qabaan Maalinta Ciidul Fidriga.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta looga Ciiday si weyn, iyadoo ay shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir ay maanta u Ciideen si balaaran, waxaana laga dheehan karay dareen xoogan.

Gobolada ay gacanta ku heyso Xarakada Xarakada Al Shabaab sida, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan qeybo ka mid ah Galgaduud iyo Gedo, ayaa waxaa maanta looga Ciiday si weyn.

Gobolada ay gacanta ku heyso Maamul Goboleedka Puntland sida, Mudug, Nugaal, Bari iyo qeybo ka mid Sool iyo Sanaag, ayaa waxay dadka ku dhaqan ay maanta u Ciideen si’aan caadi ahayd.

Goobaha ay gacanta ku heyso Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa maanta looga Ciiday si weyn, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Mudame Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu maanta Salaadda Ciidda uu ku soo tukaday Masjid Jaamaca weyn ee ku yaalla suuqa magaalada Hargeysa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta la-dhihi karayaa waxay si weyn ay u Ciideen Ciidul Fitriga, isla-markaana waxaana laga Ciidan goobaha ay gacanta ku heyso Ahlu Sunna Wal Jameeca.





Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments