Maalqabeen u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo maanta Muqdisho yimid “Daawo Sawirada”
Maalqabeenka u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kana mid ah Amiirada dalkaas Waalid Bin Dhalaal Bin C/casiis Al-Sacuud oo uu adeer u yahay Boqorka Sacuudiga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Amiirkan oo ay la socdeen xubno ka mid ah qotskiisa ayaa waxaa uu kormeer ku tagay xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir oo caruur aad u liita ku sugan yihiin.
Kadib markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa waxay kulan kula qaateen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa looga hadlay booqashada Amiirkaas iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha.
(Muqdisho, Soomaliya,27,Agoosto ,2011) Waalid Bin Dhalaal Bin C/casiis Al sacuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaliya. Waalid Bin Dhalal ayaa ah ganacsade door wayn ku leh caalamka ahna ninka ugu qanisan boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha Jamguriyada Soomalia Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa Villa Soomaliya ku qaabilay Waalid Bin Dhalaal ayagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin gargaarka bini’aadnimo, fursada ganacsi ee ka jirta dalka iyo taariikhda ganacsi ee labada wadan.
Waalid Bin Dhalaal ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid caasimada dalka Soomaliya asagoo yiri “waan ku faraxsanahay jawiga nabadeed ee ka jira magaalada Muqdisho”.
Waxaa kulankaan Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Maaliyada, Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaliya.



|
|


Print
