Ninkii Noolow maxaa aragtayna kuu laaban… Dhisma la yaab leh… DAAWO SAWIRO
Maalin waliba oo soo gasha aduunka aan ku noolnaay waxaa ka dhaco dhacdooyin la yaab leh taa oo dadka ku nool koonkana ay la tahay aqoon iyo hormar la gaaray balse dadka dhanka Diinta Islaamka yaqaana ay kuu sheegayaan in ay ka mid tahay Aaqir Zamaanka caalamadihiisa oo maalin walba kasoo ifbaxa koonkaan.
Waxaa markii ugu horeeysay la sameeyey Taariikh ahaan Hotel iyo Maqaayad ah oo ku hoos yaala Bada hoosteeda Jaziirada Maldives, Qofka marka uu jiifo afarta dhinac waxaa ka xiga Biyo Buluug ah kuwaas oo ah Badii wuxuuna sidoo kale Cuntada ku cunayaa isla Bada hoosteeda oo eey ugu diyaarsan yihiin Kuraas iyo Miisaskii Cuntada lagu dul cuni lahaa.
Hotelkaan Casriga ah ee Caalamka ka yaabsaday waxaa lagu magacaabaa the Conrad Rangali Island Hotel wuxuuna ku yaalaa Jasiirada Maldives.
Dhanka kale, Hotel Conrad Rangali Island oo qarash xoogan uu ku baxay ayaa waxaa iska cad inuu noqon doono mid aad mashquul u ah oo eey iskugu yimaadaan Dalxiisayaasha xiiseeya ineey mar uun Seexdaan Biyo hoostooda ama Bada hoosteeda.
Waxaa hubaal ah Shirkada Hotelkaan ku hoos yaala Bada hoosteeda sameeysay ineey Fikradaan ka Bililiqeeysatay Dalka Qatar oo madax ka tirsan eey xiriirka FIFA hortisa ku balan qaadeen ineey sameeyn doonaan Hoteelo iyo Restaurant ku hoos yaal Bada dhexdeeda inta aan la gaarin Koobka Addunka ee 2022-ka oo lagu wado inuu ka dhaco dalka Qatar.
|
|


Print



