By: Mastar //  Aug 22 2011 at 8:46 am //  1,545 Reads  // Wararka Somalia

Fanaanka weyn ee Kaynaan oo magaalada Muqdisho ka geystay gacan balaaran “Daawo Sawirada

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed ee Kaynaan Cabdi Warsame ayaa wuxuu shalay uu soo gaaray magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Hobolka weyn ee Kaynaan ayaa wuxuu shalay uu magaaladda Muqdisho uu ka geystay gargaar balaaran oo deeq ah, waxaana la-socotay kooxo fanaaniin ah oo u dhashay dalka Canada.

Kaynaan ayaa wuxuu booqasho balaaran uu ku tagay Cisbitaalka weyn ee Banaadir, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal ruux oo u badan caruur iyo ciroole, kuwaa oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Kaynaan iyo asxaabtiisa ayaa waxay cuntada nafaqeysan ay u qeybiyeen boqolaalka ruux ee ku dhibaateysan Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana maanta wejiga Kaynaan ka muuqatay farxad xoog leh.

Dhakhaatiirta ku sugan Cisbitaalka Banaadir ayaa waxay si weyn ay u soo dhaweeyeen imaatinka uu Kayaan uu ku yimid magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna sheegeen in Kaynaan uu yahay shakhsi wadani ah.

Kaynaan Cabdi Warsame ayaa waxaa la-fillaayaa in uu booqasho uu ku taggi doono magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo ay Galkacyo tahay magaaladda rasmiga ah ee uu deegaan ahaan ka soo jeedo.






Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments