Dhibka Facebook-ga uu ku reebay Bulshada Caalamka. DAAWO SAWIRO
Boga isku xira dhalinta iyo guud ahaan bulsha ee Facebook ayaa noqday mudooyinkii ugu danbeeyay mid saameyn xoogan ku reebay bulshada ku dhaqan caalamka.
Dhibaatooyinka Facebook-ga uu ku reebay gaar ahaan da’ yarta ayaa waxaa ka mid ah in mararka qaarkood lamaanayaal aan isku meel joogin isna aqoon uu isku xidho ayna xidhiidh dhow ku yeeshaan bogaasi.
Wiil u dhashay dalka Sucuudiga oo ka mid ahaa dadka aadka ugu isticmaala bogaas ayaa waxa uu kala kulmay dhacdo xanuuun badan ka dib markii uu in muda ah uu kula sheekeysanayay bogaas xaaskiisa oo xitaa ay dhacdo in xiliyo badan ay isku meel joogaan.
Dhibaatada ayaa waxa keenay in xiliyada uu joogo shaqada uu ka isticmaalo Computer-kiisa isagoona xiliga uu aqalka yimaadana uu ka isticmaali jiray Mobile-keykiisa taa oo iyana xaaskiisa ay sidaa oo kale u adeegsan jirtay xilyada uu aqalka joogo Mobile-keeda.
Fahad Omar waa magaciisa saxda ah waxa uuna Facebook-ga ku qortay magaca Nasir Ahmed taa oo uu qariyay dhamaan sawiradiisa iyo waliba wax raad ku reebi kara xiliyo badan oo uu ka fakarayay Fahad.
15- Augusta bisha aynu ku jirno ayay wada badalameen ayadoon xiligaasi ay u aheyd mudo 1-sano oo xidhiidhkooda dhanka facebook-ga uu gaaray waxa ayna ku wada balameyn meel aad u caan ah oo ku taala magaalada Riyadh oo ah goob dadka isdoon doono ay ku wada caweeyaan.
Abaare 08:00 subaxnimo waxa ay aheyd maalinkii ugu naxdinta iyo qosolka badneed Fahad waxa uuna uu maalintaas la kulmay midii u dhixi jirtay habeen walba ayadoon dhanka kale ay sidaa oo kale iyana ay ula fajacday arinta meesha ka dhacday.
Si lama filaan ayay ugu wada kulmeen goobta ayadoon mid walba uu mar qura la booday telkiisa gacanta si uu u waco qofka uu doonayo ayagoo xiligaasi isku been sheegayo oo midba midka kale ka ilaalinaya waxa uu sida dhabta u doonayo balse arintii ayaa si cad u fashilmatay ayadoona ring telka uu noqday mid isku keena kana ceyriyay labadii lamaane ee halkaasi doonayay in ay ku kulmaan.
Fahad ayaa ugu horeyntii go’aan ku gaaray in goobta uu ku burburiyo Mobile-kii isagoona in muda ah goobta fadhiyay waxa uuna report geeyay saldhiga si arinta uu ugu sheego Police.
|
|


Print





