By: Mastar //  Aug 17 2011 at 8:11 am //  427 Reads  // Wararka Somalia

Shir balaaran oo looga hadlaayo abaaraha dalka Soomaaliya oo maanta ka furman doono magaalada Istanbul

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Shirweyne oo looga hadlaayo abaaraha baahsan ee ka jira Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu ka furman doonaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirweynahaan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Dowladda Turkiga, waxaana ka soo qeyb gelli doona dhawaan Dowladaha Islaamka ah, isla-markaana waxaa si weyn looga hadli doonaa abaaraha baahsan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Shirweynahaan ayaa waxaa lagu wadaa in dhaqaalo loogu uruursho dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku riiqeen Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Turkiga ay si weyn uga naxday abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in shirkaan ay ka soo qeyb gelli doonaan Madaxda Dowladda Turkiga, sida Raa’isal Wasaaraha, kaasoo lagu wado in uu si weyn uu u shir gudoomiye shirkaan.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in shirkaan ay Dowladaha Islaamka ku balan qaadaan malaayiin Dollar, si’ay uga qeyb qaataan abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

La-soco wixii ku soo kordha.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments