Qax ka socda magaalada B/weyne iyo dagaal laga baqdin qabo saacadaha soo aadan
Wararka naga soo gaaraya degmada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay bilaabeen in ay barakacaan ka dib marki ay soo baxeen warar sheegaya in dagaal uu kusoo wajahanyahay halkaasi.
Shalay ayaa ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa dowlada KMGS waxa ay soo dageen deegaanka Kalabayr iyaga oo kasoo amba baxay dalkaasi Itoobiya gaar ahaan dhulka ay degaan Soomaalida, waxaana durbaba ay ka bilaabeen Hiiraan dhaq dhaqaaq.
Afhayeen u hadlay ciidamada dowlada shalay oo lagu magacaabo Xasan Inji ayaa sheegay in ay doonayaan in ay mar kale soo ceshtaan gacan ku heynta magaalada Baladweyne oo hada ay maamulaan ururka Shabaab.
Xalay iyo saakay ayaa iyaguna waxaa Magaalada dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada Al Shabaab ee gacanta ku haya Baladwyen waana tan ku abuurtay dadka deegaanka cabsida ah in dagaalo ay ka dhacaan isla markaana ay bilaabaan in ay ka barakacaan tiro dad ah.
|
|


Print
