By: Mastar //  Aug 01 2011 at 7:25 am //  347 Reads  // Wararka Somalia

Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ruux rayid ah dillay iyo Dowladda Somaliya oo aan ka hadlin

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Mid ka mid ah Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu si bareer ah uu u dillay mid ka mid ah darawalada ka hawl-gasha magaaladda Muqdisho.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa la-sheegay in uu ka carooday wax maalaa-yacni ah, taasoo ka dambeysay in askariga dilka geystay uu dhawr rasaas ah uu kala dhaco laabta, isla-markaana wuxuu ka baxsaday goobta uu dilka ka geystay.

Askariga dilka geystay oo goobtaasi ka baxday, kadib markii uu ku kacay dil bareer ah ayaa Dowladda Soomaaliya iyana ay ka gaabsatay inay ka soo saarto wax war ah, taasoo ka dambeysay inay ka caroodaan shacabka qaarkood.

Dowladda Soomaaliya oo horey u sheegtay inay toogan doonto askari kastaa oo dil bareer ah ku kaca, ayaa waxay hadana ay ka gaabsatay inay ka dhabeyso talaabadaasi oo ay horey ugu hanjabtay.

Inta badan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku kacaan dilal bareer ah, mana jirto cid si toos ah wax uga qabata, waxayna taasi ay qeyb ka tahay gardaro garab og.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments