Xaaladda magaaladda Muqdisho oo maanta degan iyo dagaalo laga cabsi qabo
Waxaa maanta deggan xaaladda magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib dagaalo qaraar oo ka dhacay labadii maalmood ee ugu dambeysay, waxayna dagaalada magaalada Muqdisho ay geysteen khasaarooyin kala duwan.
Inkastoo ay maanta deggan tahay xaaladda magaaladda Muqdisho ayaa waxaa hadana laga cabsi qabaa in dagaalo xoog leh ay maanta ka dhacaan magaaladda Muqdisho, maadaama ay si weyn isku hor fadhiyaan labada dhinac.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in dagaalada ay Shabaab kula jiraan ay sii socon doonaan, isla-markaana waxay sheegeen inaysan dagaaladu joogsi doonin, ilaa Shabaab ay ka saaraan magaaladda Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay qorsheyneyso in magaaladda Muqdisho oo dhan ay kala wareegto Xoogaga Xarakada Al Shabaab, oo ay sheegtay inay tahay koox argagaxiso ah.
Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay si weyn ay u hadal-hayaan dagaalada ka soconaaya magaaladda Muqdisho, waxayna inta badan shacabka ay si weyn u taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya.
Shacabka ayaa waxaad mooddaa inay Shabaab oo dhan ka soo horjeedaan, isla-markaana waxay Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dhiira-gelliyeen inay dagaalada sii wadaan.
La-soco wixii ku soo kordha.
|
|


Print
