By: Mastar //  Jul 18 2011 at 8:03 am //  263 Reads  // Wararka Somalia

Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya oo la-soo gaba-gabeeyay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Iyadoo khilaafaad baahsan uu ku dhex jiray madaxda sar sare ee Dowladda Somaliya ayaa waxaa shalay la-soo afjaray khilaafaadkooda, kadib markii ay yeesheen kullan balaaran

Madaxda ugu sareysa ee Dowladda Soomaaliya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa waxay shalay ay kullan balaaran ay ku yeesheen Villa Somalia.

Seddexdaan masuul ayaa waxay khilaafaadkooda ay ku soo afjareyn inay kala qeybsadaan Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabi doono Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Madaxdaan ayaa iyagu shalay soo gaba-gabeeyay khilaafaad baahsan oo ka dhex taagnaa, waxayna ay go’aamiyeen in Raa’isal Wasaaraha uu soo magacaabo Golaha Wasiirada, isagoo ku soo daraaya xubnaha ay soo doorteen labada Shariif.

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa la-fillaayaa in uu si deg deg ah uu ku soo dhiso Golaha Wasiirada, iyadoo ay jiraan warar sheegaaya in uu maanta soo magacaabi doono Golahiisa Wasiirada, haddii aysan wax kale soo shaac bixin.

Iskusoo wada-duuboo khilaafaadka u dhaxeeya madax sar sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa yimid, kadib markii Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas ay labada Shariif u diideen, in uu u madax banaanaado soo magacaabista Golaha Wasiirada.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments