By: Sabah Ali //  Jul 16 2011 at 3:42 pm //  590 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamada DKMG Somalia oo dhac u geystay Xawaalada AMAL Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Sida ay ku soo waramayaan wararka ka imaanay magaalada Muqdisho waxaa maanta la sheegayaa in Ciidamada DKMG Somalia ay dhac iyo boob u geysteen Xawaaalada AMAL ee Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamarweyne.

Waxaana la sheegayaa in Ciidamadaas markii ay galeen ay goobta ka qaateen lacago Shilin Somali iyo waliba Dollar isugu jira sida ay ku soo waramayaan wararka halkaasi aan ka heleeno.

Warka aya kudaraayo in ciidamada dhawac u geyseen mid ka mid ah howlwadeenada xawaalada isagoo ka biya diiday lacgo jeebkiisa ku jiray in uu siiyo kadibna kufureen rasaas gaarsisey dhaawac halis ah.

Goobta xawaalada kutaale ayaa mar qura isgu so xomeen boqlaal qof ka agdhawaa iyagoo horbodaye gudoomiyaha degmada xamarweyne mudane Bardhuub waxaana laga dareemayay qadar daqiiqado ah xaalad aan caadi aheyn.

Dhanka kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay Shabakadda Warbaahinta ee Badweyn.com ay u sheegeen, in ciidamadda dhaca geystay ay ka tirsan yihiin Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir
Ma ahan markii ugu horeesey cidamada dowlada somaliya dhac iyo boob ugeestaan xawaaladaha muqdisho iyadoo aan jirin cid xil iska saartay hakinta dhibatooyinkaas.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook