Dhacdo layaab leh oo maanta lagu arkay magaaladda Muqdisho “Nin Noolow Maxaa Aragti Kuu Laaban”

Published on Jul 08 2011 By: Dhaliye //  1,901 Reads  // Dhacdooyinka Caalamka


Dhacdo layaab leh ayaa waxay maanta ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay layaab iyo amakaag ay ku noqotay guud ahaan shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho.

Nin magaciisa ku sheegay Abuukar Bukeeni ayaa wuxuu yimaaday Maqaayad ku taalla degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in uu cunni karaayo Digsi/Surfiyo weyn oo uu ka buuxay bariis.

Ninkaan oo si xoog leh u qeylinaayay ayaa waxaa hadalkiisa uu layaab ku noqday dadka ku dhaqan degmada Xamar Weyne, hase ahaatee mid ka mid raggii iskugu soo baxay qaylada ninkaan ayaa wuxuu dhahay “Digsi bariis iska dhaafee shan saxan oo bariis oo qura hadaad dhameyso anaa lacagta bixinaayo”, hase ahaatee 2 daqiiqo ayaa wuxuu ku cunay shan saxan oo bariis ah.

Hadana nin kale ayaa wuxuu dhahay hadaad cunto 10 saxan oo bariis ah anigaa lacagta bixinaayo, haddii aad cuni weysana adiga ayaa bixinaayo, wuu ogolaaday, isla-markaana wuxuu markiiba uu cunay tobankii saxan ee bariiska “Yaabka Yaabkiisa”.

Ninka maqaayada iska leh ayaa wuxuu yiri toban kale hadaad cunto lacag lagaama maro, haddii aad cuni weysana lacagta adigaa lagaa rabaa, hase ahaatee tobankii saxan oo kale ayaa wuxuu ku cunay si sahal ah “Cajiib”

Naag lagu magacaabo Caasho Cali Duceysane ayaa waxay dhahday haddii aad cunto 15 saxan oo bariis ah aniga ayaa lacagta bixinaayo, haddii aad cuni weyso adiga ayaa bixinaayo, kkkkkkk, 15kii saxan ayaa wuxuu hadana uu ku cunay si’aan dhib laheyn.

Dhacdadaan ayaa waxay layaab ku noqotay shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho, iyagoo sheegay in ninkaan uu yahay nin bartay qaabka wax loo-indho sircaadiyo, hase yeeshee Abuukar Bukeeni ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba isticmaalin, laakiin wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay waxaan u tahay wax iska caadi ah, wuxuuna sheegay in uu ka yimaaday magaaladda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Related posts:

  1. Dhacdo Layaab Leh oo Ka Dhacday Magaaladda Dubai ee Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta
  2. Dhacdo layaab leh oo ka dhacday magaaladda Mombassa ee dalka Kenya “Tanoo Kale Weli Ma’aragtay”
  3. Gabar yar oo kordeeda lagu arkay timo meelwalba ka soo baxay… Dhacdo.. DAAWO SAWIRO
  4. Dhacdo layaab leh oo maanta ka dhacay magaaladdda Boosaaso ee Gobolka Bari “Inaa Fajacnaa”
  5. Tuug gacmaha ka katiinadaysan oo gaarigii lagu waday laftiisa xaday “Dhacdo layaab leh”

1 Comment

  1. Dad ka imaan ka le hanoogu soo qorina webka iimanka ale ha ka qaadee xayaawanka shaashka leh

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...