Dhacdo layaab leh oo maanta lagu arkay magaaladda Muqdisho “Nin Noolow Maxaa Aragti Kuu Laaban”
Dhacdo layaab leh ayaa waxay maanta ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay layaab iyo amakaag ay ku noqotay guud ahaan shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho.
Nin magaciisa ku sheegay Abuukar Bukeeni ayaa wuxuu yimaaday Maqaayad ku taalla degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in uu cunni karaayo Digsi/Surfiyo weyn oo uu ka buuxay bariis.
Ninkaan oo si xoog leh u qeylinaayay ayaa waxaa hadalkiisa uu layaab ku noqday dadka ku dhaqan degmada Xamar Weyne, hase ahaatee mid ka mid raggii iskugu soo baxay qaylada ninkaan ayaa wuxuu dhahay “Digsi bariis iska dhaafee shan saxan oo bariis oo qura hadaad dhameyso anaa lacagta bixinaayo”, hase ahaatee 2 daqiiqo ayaa wuxuu ku cunay shan saxan oo bariis ah.
Hadana nin kale ayaa wuxuu dhahay hadaad cunto 10 saxan oo bariis ah anigaa lacagta bixinaayo, haddii aad cuni weysana adiga ayaa bixinaayo, wuu ogolaaday, isla-markaana wuxuu markiiba uu cunay tobankii saxan ee bariiska “Yaabka Yaabkiisa”.
Ninka maqaayada iska leh ayaa wuxuu yiri toban kale hadaad cunto lacag lagaama maro, haddii aad cuni weysana lacagta adigaa lagaa rabaa, hase ahaatee tobankii saxan oo kale ayaa wuxuu ku cunay si sahal ah “Cajiib”
Naag lagu magacaabo Caasho Cali Duceysane ayaa waxay dhahday haddii aad cunto 15 saxan oo bariis ah aniga ayaa lacagta bixinaayo, haddii aad cuni weyso adiga ayaa bixinaayo, kkkkkkk, 15kii saxan ayaa wuxuu hadana uu ku cunay si’aan dhib laheyn.
Dhacdadaan ayaa waxay layaab ku noqotay shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho, iyagoo sheegay in ninkaan uu yahay nin bartay qaabka wax loo-indho sircaadiyo, hase yeeshee Abuukar Bukeeni ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba isticmaalin, laakiin wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay waxaan u tahay wax iska caadi ah, wuxuuna sheegay in uu ka yimaaday magaaladda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
|
|


Print
