By: Mastar //  Jun 29 2011 at 8:49 am //  759 Reads  // Wararka Somalia

Maxaa kala heesta Xarakada Al Shabaab iyo shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Hoose

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaal ayaa wuxuu dhex maray shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Xarakada Al Shabaab, kadib markii uu Shabaab uu isku dayay in uu dhac u geysto shacab masaakiin ah.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al Shabaab isku dayday inay la-wareegto dhul beereyd gaaraaya 400 oo hektar oo ku kala yaalla deegaanada Mushaani, Cadiimoole, Reydableey oo ka tirsan Janaale.

Shacabka ayaa waxay diideen inay Shabaab ku wareejiyaan dhul beereydkooda, hase ahaatee wada-hadal dheer kadib ayaa wuxuu Shabaab uu xabsiga u taxaabay odayaashii madaxda ka ahayd dhul beereydyadaasi, taasoo ka dambeysay in beeraleyda iyo xoolo dhaqatada degmada Janaale ay hub soo qaataan.

Xilligaasi kadib ayaa waxaa Shabaab iyo shacabka deegaanka dhex maray dagaal xoog leh oo ay ku dhinteen laba kamid ah Shabaab iyo dadka deegaanka, waxaana goobtaasi ka dhashay dhaawacyo badan oo kor u dhaafaaya ilaa sagaal ruux.

Labada dhinac ayaa waxay weli isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaaladu ay sii xoogeystaan, maadaama ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo hub uruursi xoog leh.

Sidoo kale majirto wax war ah oo ka soo baxay Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo iyagu gacanta ku haaya Gobolka Shabeelllaha Hoose oo dhan, hase ahaatee waxaa la-sheegay in uu shir u socdo saraakiisha Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Talaabada ay shacabka ku dagaalameen Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa lagu sifeeyay talaabo wanaagsan, hase ahaatee su’aashu waxaa weeye maxaa xiggi doona talaabadaan?


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments