By: Mastar //  Jun 23 2011 at 8:09 am //  641 Reads  // Wararka Somalia

Xarakada Al Shabaab oo dhibaato culus ka geysatay Gobolka Shabeellaha Hoose “Warbixin”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo qeyb ka ah dhibaatada baahsan ee lagu haayo shacabka ku dhaqan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay dhibaato culus ay ka geysatay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka Xarakada Al Shabaab ee degmada Afgooye ayaa wuxuu shacabka ku dhaqan deegaanka Tuulo Gacmeed uu maalmo kahor uu ugu baaqay, inay ka qeyb qaataan dagaalada ay Xarakada Al Shabaab kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Tuulo Gacmeed ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan baaqa uga yimid Xoogaga Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee waxay shalay ay ka war helleen shacabka Tuulo Gacmeed arin layaab leh.

Afar kamid ah baabuurta waaweyn ee xamuulka ee Xarakada Al Shabaab iyo ciidamo la-socday ayaa waxay booq iyo bililiqo ay ka geysteen deegaanka Tuulo Gacmeed ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay goobtaasi ay ka qaadatay afar matooro oo kuwa biyaha soo saara ah, in ka badan boqol neefaf oo u badan Ari iyo labaatan wiilal oo dhalinyaro ah, oo ay dhalleen shacabka ku dhaqan deegaanka Tuulo Gacmeed.

Bililiqada kadib sarkaal sare oo u hadlay Xarakada Al Shabaab oo goobtaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dadkani ay la-shaqeeyaan cadowga ku soo duullay dalka, waxaana ku waajiba buu yiri in hantidooda la-dhaco, wiilashoodana la-qafaasho.

Dhanka kale waxaa arintaan si weyn u cambaareeyay shacabka ku dhaqan deegaanka Tuulo Gacmeed, isla-markaana waxay sheegeen in tani ay muujineyso in Shabaab ay ka fog yihiin ku dhaqanka Shareecada Diinta Islaamka.

La-soco wixii ku soo kordha.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments