Ciyaar Xiise leh oo maanta ku dhaxmartay Nairobi Wariyaasha Qurba joogta & Somgol + DAAWO SAWIR
Kulan Caayaareed Lagu maamuuusaayay Munaasabadda Sanad Guuradii Labaad ee kasoo Wareegtay Markii la aasaasay Shabakadda ka faalloota arimaha Isboortiga ee somgoalayaa maanta ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.
Cayaartan oo lagu Tartamaayay Koob aad U qurux badan ayaa waxaa isaga Hor yimid Laba Koox oo ka Tirsan Wariyaasha Nairobi Ku Nool oo ku kala Cayaaraayay Magacyada Somgoal iyo Sahal Express.
Kulankan oo ah Mid aad U Xiiso badan oo ay usoo Daawasho tageen Dadweyne Fara badan ayaa Waxaa Kasoo qeyb galay Qaar ka mid ah Cayaartoydii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socotay Jaaliyadda Isboortiga Kenya, iyo Masuuliyiin ka tirsan Naadiga Nabadda Barbaarta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Waxaa Munaasabaddan kasoo qeyb galay Axmed Nuur Xasan Cabdille oo ah Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ahna Gudoomiyihii Hore ee Naadiga Elman oo isagu ka mid ahaa Qaban Qaabiyaashi Munaasabaddan.
Cayaarta oo ku Billaabatay Dar Dar Xoogan ayaa aheyd Mid aad u Kulul oo Labada Dhinacaba ay soo bandhigeen Xirfad Sare, ayaa Billowgii Cayaarta Daqiiqadii 9-aad Goolka Furitaanka Cayaarta ay heshay Kooxda Ku Cayaareesay Sahal Express, waxa ayna uga Mahad Celineysaa Cayaaryahan Max’ud Cali yare (Buneeste).
12 Daqiiqo Kadib ayay Mar Kale Kooxda Sahal Express Shabaqa Kooxda Somgoal Taabatay, waxaana Markaan Kubbad “Laad Xur ah” ka dhaliyay C/Xakiin Max’ed Nuur (Kaxar).
2 Daqiiqo kadib Goolkaas ayaaa Hadana Mar Kale Kooxda Sahal Express heshay Goolkeedii 3-aad oo gabi ahaanba Dhulka La simay Rajadii Kooxda Somgoal, Goolkaasna waxa uu ahaa Mid ay Si Qaldan isaga dhaliyeen Daafacyada Kooxda Somgoal.
Qeybta Labaad ee Cayaarta Markii la isugu soo laabtay ayaanan waxba iska badalin Natiijada Cayaarta, inkastoo kooxdii ku Cayaareesay Somgoal ay Weerar aan Kala Go’ Laheyn ku qaaday Goosha Kooxda Sahal Express, Hadana Daafacyada Kooxda Sahal oo uu ugu Horeeyo C/sataar Daahir Sebriye ayaa Jilbaha u Aasay oo u diiday in Wax Gool ah la Daba Mariyo.
Guud Ahaan Cayaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 oo ay Guusha ku Raacday Kooxdii Ku Cayaareesay Magaca Sahal Express, Waxaana Halkaas lagu gudoonsiiyay Koob Aad u Qurux Badnaa oo Loogu Tala Galay.
Koobka Waxaa Gudoonsiiyay Kooxda Badisay Cyaaryahan Ismaaciil Xaaji Shakeeti oo isagu Dhaawac dhanka Muruqa ah uga Maqnaa Cayaartan, hase yeeshee Madax u ahaa Maanta Guddigii Farsamada ee Munaasabaddan.
Kooxda Sahal Express waxaa Hogaaminaayay oo Captain u ahaa C/Raxmaan Furre (British), Halka kooxda Ku Cayaareesay Somgoal uu Hogaanka u haayay Agaasimaha Shabakadda Somgoal Yuusuf Nuur Max’ed.
Kooxda Ku Cayaareesay Somgoal oo Guul Darro Xanuun badan la Huwiyay ayaa waxaa u Cayaaraayay Qaar ka mid Wariyaasha Shabakadda oo ay ka mid yihiin Ibraahim Geedow Cawaale oo ah Tifaftiraha Guud ee Shabakadda, Max’ed Cusmaan Xabiib, C/risaaq Aadan Jeemis (Allan Doosh), Cumar Cabdi Xasan (Caaqil yare) iyo max’ud Xasan Nuur (Idaa Jaa) oo dhamaantood ka Mid ah Wariyaasha Shabakadda.
Cayaarta waxaa Gar Soore ka ahaa Wariye Faarax Blue.
Munaasabddan ayaa sidoo Kale Waxaa Gacan Weyn ka geestay Madaxa Shabakdda ugu Qaabilsan Qaaradda Yurub Celmi Daqarre oo isagu ku Sugan Magaalada Leceister ee Boqortooyada UK.
Munaasabaddan ayaa Sidoo kale Waxaa Hambalyo ugu Diraayeen dhamaan Wariyaasha Reer Nairobi, Wariye C/Xafiid C/Samad Zaciimka oo ah Madaxa Xafiiska Shabakadda Somgoal ee Muqdisho oo isagu Gabar ugu dhalatay Magaalada Muqdisho iyo Wariye C/salaan Xasan Daa’uud oo ka mid ah Shaqaalaha Somgoal oo Isna Gabar Isla Galabta ugu dheelatay Nairobi.
Shabakadda somgoal waxaa ay Hawada kusoo biirtay 14-ki June ee Sanadkii 2009-ka, waxa ayna si Dhamestiran uga Faallootaa Arimaha Isboortiga Caalamka iyo kan Quseeya Soomaalida ku kala Nool Daafaha Dunida iyo Waliba Gudaha Dalka.
|
|


Print







