Hobolada codka macaan ee Saado Cali Warsame oo taageertay Raa’isal Wasaare Farmaajo
Fanaanadda Weyn Ee Saado Cali Warsame Oo Si Culus U Taageertay R/wasaare Farmaajo & Kacdoonka Shacabka “Baarlamanku Waa Inuu La Saftaa Shacabka & R/wasaaraha”.
Fanaanadda faca weyn ee Saado Cali Warsame (Cunaami), ayaa si weyn u taageertay R/wasaaraha Umadda Soomaaliyeed ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo shacabka kacdoonka wada ee ku baraarugay in Xukuumadii waxqabadka laheyd meesha laga saaro.
Iyadoo la hadlaysay Idaacadda VOA-da Laanteeda Af-Soomaaliga, ayaa Saado Cali Warsame, waxa ay wax laga xumaado ku tilmaantay in Heshiiskii Kampala lagu tilmaamo heshiis sharci ah, balse waxa uu ku xad-gudbayaa xuriyadii iyo madaxsanaanidii Umadda Soomaaliyeed.
“Dagaalku iyo waxa uu ahaa oo loo halgamayey wax Xukuumaddu sanad haloogu daro intii yareyd ee ay jirtay wax-qabad weyn bay muujiyeen, shacabkii Xamar joogay baa moral (Niyad-wanaag) oo qalbiga u qaboobay, markii la kordhiyeyna waxaa kasoo dhex baxay xukuumadii wax wanaajinaysay dee meesha halaga saaro, marka waxaa kuu muuqanaysa in adduunku uu nagu tacadinayo oo hooga iyo halaaga isagu nagu sii hurinayo” ayey tiri Saado Cali.
Waxa ay sheegtay in Masiirkii Umadda Soomaaliyeed inta Kampala lala tagay loo meyriyey oo lagu qasbay waxaana bay tiri qodobada ka muuqata in wixii mas’uul ah oo ka hor imaada Shariif Xasan iyo Madaxweyne Shariif in la ciqaabayo, marna waxaa halkaasi ka cad in xoriyadii ay meesha ka baxday.
Mar ay ka hadlaysay R/wasaaraha inuu shaqada ka tagayo iyo in kale inay ku xiran tahay Shacbiga iyo Baralamanka sida uu maanta ku sheegay Shirkiisa Jaraa’id ayey Fanaanadda weyn ee Saada Cali Warsame waxa ay sheegtay inuu ku saxan yahay oo uu ku taagan yahay R/wasaare Farmaajo wadada Xaqqa ah iyo axdiga KMG, awoodana Baarlamanka ayaa iska leh oo xukuumadda Kalsoonida siiyey ee Mahiiga ma lahan qola kalana kama qaadi karto, R/iisal Baarlamaan iyo Madaxweyne ayaanan ka qaadi karin ayey sii racaisay.
Sara-joog Hal-gariley Saado Cali Warsame, ayaa ugu dambeyn rajo weyn ka muujisay in Baarlamanku uu la safan doono kacdoonka shacabka, islamarkaana uu Cod- aqlabiyad leh ku ansixin doono inuu shaqada sii wado R/wasaare Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) sababtoo ah haddii aysan ansixin iyagaaba gacantooda isku dilaya ayey hadalkeeda kusoo afmeertay Fanaanadda caanka ah ee kamidka aheyd Hobaladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waabari.
|
|


Print
