By: Mastar //  Jun 13 2011 at 1:39 pm //  218 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Soomaaliya oo maanta tababaro u soo xirtay kun ciidamo ah iyo dagaalo ay ku hanjabtay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ay tababaro ay u soo gaba-gabeysay ciidamo ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo dhawaan tababaro kusoo dhameystay dalka Itoobiyaan.

Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ee Somaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa wuxuu maanta uu kun “1,000” ciidamo ah uu tababaro ugu soo gaba-gabeeyay degmadda Doolow ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Gaanshaandhiga oo goobtaasi kula hadlay ciidamadda uu maanta uu tababarada u soo gaba-gabeeyay ayaa wuxuu shaaca uu ka qaaday, in ciidamadda laga doonaayo in Xarakada Al Shabaab ay ka saaraan guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.

Wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay cadow ku tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, idinkana waxaa la’idin soo tababaray buu yiri in shacabka Somaliyee aad ka dul qaataan, argagaxisaa soo weerartay.

Ciidamadda dowladda ayaa wuxuu waajib uu uga dhigay in dalka ay ka saaraan waxa uu ugu yeeray Khawaariijta, isla-markaana wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay fara kulul ku heyso Ummada Soomaaliyeed.

Si’ Ummada Soomaaliyeed ay u bad baado buu yiri ayaa waxaa la’idinka doonayaa inaad si deg deg ah wax uga qabataan argagaxisada, isla-markaana waxaa dowladda looga fadhiyaa buu yiri inay wax kasta idinku taageerto.

Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ee Somaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa wuxuu tibaaxay, in dowladda Soomaaliya ay markaan u soo jeedsatay dagaalo ka dhan ah, waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Hadalkaan kasoo yeeray Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ee Somaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli dowladda Soomaaliya ay wado abaabulo ciidano oo aa u xoogan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments