By: Mastar //  Jun 12 2011 at 5:20 pm //  656 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku goodisay in Xarakada Al Shabaab ay ka saareyso Gobolka Gedo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Kmg ee Soomaaliya oo dagaalo xoog leh kula jirta Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta ay ku goodisay inay la-wareegi doonto Gobolka Gedo oo idil maal maha soo socda.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamadda dowladda ee Gobolka Gedo General Jamaal Xasan Sareey oo warbaahinta galabta u qabtay shir jaraa’id ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan qaraar ay ku gaartay, in maal maha soo socda ay xoog kula wareegto Gobolka Gedo oo dhan.

General Jamaal ayaa wuxuu qeexay in dowladda Somaliya ay ka go’an tahay sidii ay Xarakada Al Shabaab uga saari laheyd Gobolka Gedo oo dhan, isla-markaana wuxuu wacad uu ku maray in maal maha soo socda ay qaadi doonaan, dagaalo xoog leh oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Jananka ayaa wuxuu lagama maarmaan uu ku tilmaamay in kooxda Xarakada Al Shabaab ay ka saaraan guud ahaan Gobolka Gedo oo dhan, waayo buu yiri waxaa weeye argagaxiso, misena ah Khawaariij, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Sidoo kale wuxuu carabka uu ku dhuftay inay diyaarinayaan ciidamaddii maal mahaan weerari lahaa degmooyinka uu Shabaab uu kaga sugan yahay Gobolka Gedo, isla-markaana wuxuu rajo uu ka muujiyay inay la-wareegi doonaan.

Iskusoo wada-duuboo General Jamaal Xasan Sareey oo ah taliyaha ugu sareeya ee ciidamadda dowladda ee Gobolka Gedo ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay, inay taageeraan dowladda Soomaaliya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments