By: Ladan // Jun 27 2010 at 9:24 am // 457 Reads // Wararka Somalia
Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya oo ugu hambalyey reer jabuuti maalinta madaxbanaanida
Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif Shiq Axmed ayaa hambalyo u diray shacabka reer Jabuti iyo dowladooda isaga oo ugu hambalyeyey 33 guuradii kasoo wareegatay marki ay xorriyada ka qaateen dalka Faransiiska.
Qoraal uu soo saaray madaxweynaha ayaa waxaa saxaafada u aqriyey agaasimaha madaxtooyada isaga oo madaxweyne Shariif ku amaanay dowlada Jabuti horumarki ay smaeysay tan iyo marki ay xorriyada ka qaadatay Faransiiska sanadi 1977.
Madaxweynaha ayaa shalay hambalyo tan la mid ah u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan gobollada waqooyi isaga oo sidoo kale u hambalyey dadka Soomaalilan oo u dareeray doorashooyin xor ah.
|
|
Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


Print
