Bisad Baalal leh oo lagu arkay dalka Shiinha + DAAWO SAWIRO
Haweeneey u dhalatay dalka Shiinaha ayaa shaacisay Bisad u joogtay oo mar qur’a la soo baxday Baalal ama Garbo sida Shimbirta oo kale, waxaana lagu qiyaasay dhirirka Garbahaasi in ay gaarayaan ilaa 10-cm.
Fing oo ah haweeneeda aragtay muuqaalka Bisadaasi ayaa sheegtay in horay ay ku bilaabatay arinta markii hore qaab la yaab leh ayadoona maalin walba ay arkeysay ayadoon Bisada ay wax ku kordhayaan taa oo la yaab ku noqotay waxa ayna sheegtay in ay ka warsugeysa isbadal walba oo ku yimaado Bisadaasi, waxa uuna isabadalkaasi soconayay mudo bil gudohooda ilaa markii danbe ay dhirirkooda intaa soo gaareen ay u ekaadaan sida Shimbir oo kale.
Waxa ay intaa ku dartay haweeneydaasi in baalaha Bisadaasi ay qebta hoose ka yihiin lafo taa oo ka sii yaabisay, waxa ayna u aragtay arintaasi in ay tahay mid ka weyn caqli Aadanaha, waxa ayna sheegtay in ay u arkeysay in Bisadaasi maalin walba wax dheeri ah ay ku sii darsamayaan.
Dhaqaatiirta dalkaasi ayaa sheegay baaritaano ay sameeyeen in ay ka danbeyso arintaasi ka dib Bisadaasi Cidiyo ay ku dhufatay mid Janiin la mataana ahaa oo xiligii hore sameyn ku yeeshay sidaa aawadeed ayay sheegeen in ay ku keentay in Bisadaasi ay yeelato Baalal.
Amuurta Eebe ayaa waxa ay tahay mid maalin walba aduunkaan aan ku noolnahay ku soo biiriso wax cusub taa oo aysan aqoon dadka aanan Eebe ka aqoon waana mid keentay in Dhaqaatiir intaa le’eg ay ku sheegeen arin aanan meesha oolin.
|
|


Print


