By: Saciid //  Jul 22 2010 at 4:58 am //  384 Reads  // Wararka Somalia

Xildhibaan Bootaan” Xuukuamada ma jirto mana jiri doonto, xitaa Madaxtooyada ayaa wiifto dadka ku laaysay, xafiis hadaad ka baxdo mid kale int aadan gaarin wiifto kuugu dhacee..

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xidhibaan Cabdulaahi Bootaan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu eedeeyn u jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya isagoona sheegay in ay dhacday xukuumada Cumar Cabdi rashiid.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Xukuumada watigeeda uu ku ekaa 22kii febraayo, waxa uuna cadeyey in xukuumada aysan jirin islamarkaana aysn sii jirin doono, waxa uuna ku eedeeyey in ay ku fashilantay wax ka qabashada amaanka dalka Soomaaliya.

” Xuukuamada ma jirto mana jiri doonto, xitaa Madaxtooyada ayaa wiifto dadka ku laaysay, xafiis hadaad ka baxdo mid kale int aadan gaarin wiifto kuugu dhacee, maalin walba hebal ama askari ayaa wiifto madaxtooyo dhaxdeeda ku dishay ayaa maqlee, marka xukuumada waa fashilantay” ayuu yiri Xidlhibaan Bootaan.

Dhanka kale Xildhibaan Bootaan ayaa ku eedeyey Baarlamaanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya hareer mareen waajibaadka horyaala, waxa uuna sheegay in kulan walba ay uga doodaan wax aanan loo joogin, waxa uuna ugu baaqay in xukuumada ay talaabo u qadaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments