Cumar C/Rashiid oo ka jaawabay hadalkii Sheekh Aadan Madoobe.
Ra,isulwasaaraha halka lug ku taagan ee XKMGS Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke ayaa ku adkeystay in xukumadiisu aysan dhicin saacado kadib marki gudoomiyaha uu muranka ka taaganyahay Sheekh Aden Madoobe ku dhawaaqay in xukumada ay dhacday.
Ra,isulwasaraaha oo galabta hooygiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in uusan qabin wax cabsi ah oo ku aadan dhicitaanka xukumadiisa, waxaana uu sheegay in dhamaan wasaaradaha ay shaqeyn doonaan.
Ina C/rashidi Cali Sharma,arke ayaa tibaaxay in sharciyan uusan awood u laheyn gudoomiyaha baarlamaanka in uu iskiis ugu dhawaaqo dhicitaanka xukumad waliba isaga oo gurigiisa iska fadhiyo.
“Ajnadaha maanta ma aheyn mid quseeya xukumad ee waxa uu ahaa mid looga doodayey qilaafka baarlamaanka oo soo jiitamayey baryahan, xukumada dhicitaankeeda waxaa ka horeeya in marka hore lasoo diyaariyo motion kadibna uu madaxwynaha saxiixo” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.
Cumar C/rashiid wuxuu eedeyn dusha uga tuuray gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay nin dinbi ka galay qaranka oo danbiile ah iskuna dayey in uu si sharci darro ah ku handado xukumad Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee xaalada dowlada KMG Soomaaliya ayaa hada ah mid cakiran iyadoo uusan wali ka hadlin madaxweynaha dowlada KMGS Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
|
|


Print
