By: Ladan //  May 15 2011 at 4:39 pm //  699 Reads  // Wararka Somalia

Xisbiga Nabada iyo Hormarka oo siwayn u xusay maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SAWIRO)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xaflad lagu xusayay maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15 bisha may ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafdaladaan oo ahayd mid si aad ah u balaaran isla markaana si wayn loo soo gaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xisbiga Nabada iyo Hormarka Garabkiisa dhalinyarada.

Waxaana xafalada ka soo qaybgalay dhalinyaro aad u badan masuuliyiin iyo waliba dad waayo joogii hore ah oo in badan u soo joogay xaalada dalka iyo waliba dhalinyaradii hore.

Ugu Horay ayaa xafladaan waxaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Hormarinta Garabkiisa Dhalinyarada Mudane Cali Yaasiin waxa uu sheegay maanta in ay tahay maalin dadka Soomaaliyeed ku wayn.

Waxa uu sheegay mudane Cali Yaasiin in uu farqi wayn u dhaxeeyo xiligaan la taaganyahay iyo waliba sidii uu ahaan jiray dalka xiligii hore oo ay joogeen dhalinyarii SYL.

“Dhalinyarii SYL Waxa ay ahaayeen dhalinyaro yar waxa ay gaarayeen 13 ruux oo kaliya Niyadooda iyo dadaalkooda ayaa nagaarsiiyay xuriya iyo nabada aan hiigsanayno”…. ayuu yiri gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Hormarka Garabka Dhalinyarada.

“Hada hadii aad maqasho dhibaato oo dhan waxaa lanbar kow ka ah Dhalinyarada ayagaa wadada taagan ayagaa wax dila Dhalinyarada ayagaa isbaarooyika u taalaa, Dhalinyara ayadaa Nabad galyo la’aanta ku haysa dalka…”ayuu hadalkiisa ku siidaray Mudane Cali Yaasiin.

Waxa uu sidoo kale uu sheegay in dhalinyara Soomaaliyeed ay haatan yihiin kuwo baaga muudo ah oo anan shaqayn oo dhibaatooyin badan kala kulma dhalinyarada.

Sidoo kale halkaasi ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Gacal Abkow oo ka socday ururada Bulshada rayid ah ahna sidoo kale waayo joogii hore waxa uuna sheegay in maalintaan ay athay maalin wayn.

Waxa uu sheegay in dhalinyara Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay noqdaan dad isku xiran oo u dadaala sidii dhalinyaradii hore ee SYL oo kale.

“waxaa imaan doonta in cariishka yar ama iingada aad ku jirto in leesugu yimaado hadii sidaan la sii ahaado macnaha waxaa weeyaan dhalinyaroo Qunful walba waxa uu ku furmaa dadaalkiina”ayuu yiri Maxamed Gacal Abkow.

“waxaan idiin Sheegaa 13-kii nine e Calankaan keenay xoog kuma keenin waxa ay ku xeeneen Fikrad mideesan iyo fidrad dheeri”…ayuu hadalkiisa siiraaciyay Mudane Abkow.

Fanaaniita hobalada Qaranka oo iyana ka soo qaybgalay munaasabada ayaa halkaasi waxa ay ka qaadayeen heeso wadani ah iyo heeso si gaar ah u taabanaya dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale dhamaanba dhalinyaradii iyo Masuuliyiintii ka soo qaybgalay Xafladaan ayaa waxa ay si aad ah u amaaneen qiimaha ay leedahay maanta oo kale iyo waliba ahmiyad ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed

Xafladaan oo lagu maamuusayay 68-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ururkii Dhalinyarada ee SYL ayaa waxa ay ku soo dhamatay jawigii loogu talagalay.

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments