Awooda Alle ninkaan wali uu noolyahay… DAAWO SAWIRO
D
hacdo aad u xanuun badan ayaa waxa ay ku dhacday ninkaan oo dhalasha ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha waxaana lagu xasuustaa in uu ahaan nin ay u dhanyihin lixaadkiisa oo dhan.
1995-kii ayaa la sheegayaa in ay dhacda musiibadaan waxaana maalinkaasi ay u aheyd Leon maalin aad uga gadisan maalmihiisa kale waxaana go’ay mar qur’a qeybta hoose ee wixii ka danbeeya xudunta.
Dhaqaatiirta dalkasi Shiinaha ayaa ku dadaalay Mr. Leon ayadoona xitaa ay u sameeyay qalab macmal ah oo ninkaasi lagu daryeelayay oo ugu danbeyntii ay ku guuleysteen in ay ugu yaraan niyada u dhisaan ninkaasi oo haatan nool.
Inkastoo ay ka maqantahay ninkaasi qeybo aad u muhiimsan hada waxa ay sheegayaan dhaqaatiirta in ay tahay arintaan mid Allaah u taala maadama sida dhaqan ahaanta uusan noolaan karin ruux sidaas oo kale, balse amarka eebe ayaa intaa ka weyn oo ninkii haatan waa nin nool oo aysan waxba ka maqneen marka laga reebo in qeyb ka mid ah uu ka maqanyahay.
Warbaahinta dalkaasi ayaa haatan aad uga hadleysa arimahaasi ayadoona tijaabadii ugu danbeeyay lagu sameeyay ninkaasi oo haatan ay u sameeyay dhaqaatiirta qalab inta danbe oo u ek matalina doonta inta uu sii noolyahay ninkaas.




|
|


Print
