Ugargaar Wiilkaan yar ee dhibaateesan si uu Ilaahay kuugu gargaaro (Sawiro)
Yaasir Xersi Cibaar waa wiil yar oo sadaxsano jir ah haatan aad ayuu u xanuusanayaa waxa uuna la xanuunsanayaa oo haaya cudurka Maskax Garaadka ama Majaajiska.
Yaasir waxaa la sheegay in uu la dhashay Cudurkaan isla markaana uu haatan haayo ilaa iyo Mudo Sadaxsano ah waxna looga qaban waayay wadanka gudihiisa.
Hooyo Faadumo Cabdi waa Hooyada Dhashay dhibane Yaasir Xersi Cibaar waxa ay sheekeestay xanuunka haaya ilmaga yare ee ay dhashay in uu yahay mid uu la dhashay.
Hooyo Faadumo waxa ay sheegtay in wiilkeeda Yaasir uusan habeenkii Hurdin isla markaana lagu dhafro habeenkii oo dhan sidoo kale hooyo Faadumo waxa ay sheegtay in uusan waxba kala ogoyn wiilkeeda Yaasir Xersi.
Farxaan Cabdi Xaad waa walaalka Yaasir Xersi Cibaar waxa uuna sidoo kale ka midyahay dadka Haaya wiilkaan yar ee xanuunsanaya, waxa uu sheegay in xiligaan laga quustay wiilkaan yar xarumaha caafimaad ee wadanka.
Waxa uuna ka codsaday dadka ilaahay wax siiyay ee ku nool wadanka dibadiisa in ay xiligaan u soo gurmadaan dhibane Yaasir Xersi Cibaar si wadanka dibadiisa lagula sootacaalo.
Yaasir Xersi Cibaar inkastoo uu jiro Sadaxsano hadana marka aad aragto Muuqiisa uma qalmo dadaasi mana soofariisan karo ilaa la toosiyo waxa uuna haatan u baahanyahay in gurmad loo fidiyo si dabiib loogu raadiyo wadanka dibadiisa.
Hadaba dadka Muslimiinta ah ee ilaahay waxsiiyay ee doonaya in ay taakuleeyaan Ilmagaan yar waxa ay la xariiri karaan Farxaan Cabdi Xaad oo laga helo 002526-15889793 Ama Email,xaad54@hotmail.com
|
|


Print


