By: Sabah Ali //  Apr 24 2011 at 10:01 am //  896 Reads  // Wararka Somalia

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Hargeysa oo lagu xiray dalka Mareekanka ka dib..

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayo dalka Markeenka waxaa xabsiga loo taxaabay Agaasimaha Guud ee Warbaahinta maamulka Cali Maxamed Cali kaasi oo loo heysto arrimo Burcad badeednimo ah.

Agaasimaha Waxbarashada Cali Maxamed Cali ayaa la shaaciyey in loo heysto dembiyo la xirira inuu turjubaan u ahaa Burcad badeed Soomaali ah oo afduubatay Markab lagu heystay Xeebaha Soomaaliya, Markabkaasi oo ka diwaangashanaa dalka Mareykanka, waxaa sidoo kale loo heystaa inuu kooxda uu turjubaanka u ahaa uu u dalbaday Lacag Dhan 7-million oo doolar ka dibna markii lacagtaasi la bixiyay uu Burcad badeedii siiyay 1.5 Million oo dollar intii kalena uu isagu qaatay.

Maamulka Hargeysa Saraakiishooda CID-da ayaa horey su’aalo u weydiiyey Agaasimaha ka hor intii aanu madaxweynaha Hargeysa aanu soo saarin Qoraal shaqada lagaga saarayo isaga oo lala xiriirinayo inuu la shaqeeyay Burcad badeed Soomaali ah.

Masuulkan horey uga tirsanaa Maamulka Somaliland ayaa waxaa la sheegay in Markabka la afduubtay ee uu turjubaanka ka ahaa la heystay muddo 7 bilood ah sannadkii 2008-dii

Dhanka kale, Warar laga helayo Sarakiisha Maamulkaasi kana gaabsaday in magacood la xuso ayaa sheegay in uu si dhuumaaleysi ah uga baxday Magaalada Hargeysa Laguna qabtay Wadanka Mareykanka dhawaana maxkamad halkaasi lagu soo taagi Doono.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments