Shariif Sakiin oo ka dalbaday madaxda Somalia in ay hakiyaan xiligaan khilaafka u dhaxeeya
Ka dib markii uu shalay soo gaaray magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arimha khilaafka keenay ee mudooyinkii ugu danbeeyay dhaxyaalay madaxda sarsare ee DKMG Somalia.
Sidoo kale, Waxa uu sheegay Shariif Xasan in shirka Nairobi ay ku kala aragti duwanaadeen madaxweynaha iyo xukuumadda, wuxuuna sheegay isagoo ku hadlayay codka Golaha Baarlamaanka inuu isagu shirka uga qeyb galay sidii uu beesha caalamka ugu bandhigi lahaa go’aanka Golaha uu ku kororsaday mudada saddexda sano ah, wuxuuna sheegay in aragtida Baarlamaanka ay la qaateen dhammaanba ergada shirka Nairobi ka qeyb galay.
“Khilaafka noo dhaxeeya haddii aan sii ballaarino cadowga dowlad-diidka ah ayaa ka faa’iideysanaya” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in xukuumadda KMG ah hay’adaheeda kala duwan looga baahan yahay midnimo iyo wada shaqeyn inay muujiyaan, taasi oo uu sheegay in shirka Nairobi xukuumadda loogu soo jeediyay talooyin dhowr ah, hase yeeshee waxa uu sheegay go’aankeeda inay leeyihiin Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka oo uu hordhigi doono.
Madaxda sarsare ee DKKMG Somalia ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxa ay kala aragti ka ahaayeen arimaha siyaasadeed ee haatan ka soconaya magaalada Muqdisho ayadoon ay jiraan Xildhibaano iyo madax kale oo gabi ahaan ka soo horjeeda waxa ka soconaya dibada soomaaliya gaar ahaan
|
|


Print
