By: Mandela //  Apr 13 2011 at 8:38 am //  3,451 Reads  // Uncategorized

Gabar u Dhalatay South Korea oo mudo 10-sano ah aanan cadeysan Ilkeheeda. DAAWO SAWIRO

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Inkastoo dabeecad ay u noqotay qofka Aadanaha in maalin waliba uu cadeyso afka dhaqan ahaan iyo Diin ahaana ay ka caado noqotay bulshada dhexdeeda ayaa waxaa dhawaan lagu arkay Qaarada weynta Asia gabar 20-sano jir ah taa oo awood u yeelatay in aysan cadeysan mudo 10-sano ah afkeeda ama aysan Brush saarin sida ay qorayaan warbaahinta dalkaasi.

Gabadhaan ayaa soo fadhiisatay TV laga leeyahay Dalka Koonfur Kuuriya iyadoo shaacisay in mudo 10 sano ah aanay afkeeda galin wax cadey ama aanay ilkaheeda aysan cadayan taa oo dad badanu dhashay wadankaasi ay ku noqotay la yaaab, Waxaana lagu martigaliyay Gabadhaasi Barnaamij lagu magacaabo Martian Virus oo ah barnaamij aad looga xiiso wadankaasi laga siidaayo Tv-ga TV-N ee fadhigiisu yahay magaalada Seoul ee caasimada Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa lagu martiqaaday gabdhan cadeyga ka caagan.

Waxa ayna sheegtay Cutey Yellowish in 10-sano ka hor ay u cadeyday Hooyadeeda xiligaasi oo ay sheegtay ama go’aan ku qaadatay in ay jarto Scorre-ka Ilka yaan la cadayan ee haatan aadka looga aqoonsanday Aduunka intiisa kale.

Yellowish oo haatan 20 sano jir waana inan marka aad aragto aad u qurux badan waxa ayna sheegtay in xiligii ay ku jirtay tijaabada ay aad ula yaabi jirtay in dadka ay ka carari jireen afkeeda oo ahaa mid aad u qurmaya ama suyuciisa aysan suuragal aheyn in ruux kale uu u soo dhawaado waxa ayna sheegtay gabadhaasi in haatan ay ogaatay ama ay gaadhay ujeedkeeda…. “Maba garanayo sababta dadku ilkahooda u cadayaan, waayo maba jirto si ay dadku ku arki karaan afkaaga” ayay tiri Cutey Yellowish.

Marka laga soo tago Mrs Cutey ayaa waxaa arinkaasi gaashaanka u daruuray dhamaan Dhaqaatiirta wadankaasi ayagoona sheegay in ay tahay dhaqan aad u foolxun oo ay gabadhaasi u horseedeyso bulshada reer Kuuriyo, balse Mrs Ji Hyun Ji ayaa go’aankeeda haatan waxa uu yahay in ay dooneyso in ay cadeydo Ilkeheeda qeybta hore sida ay u sheegtay wariyihii xiligaasi su’aalaha weydiinayay ayadoona mudadii 10-sano ay sheegtay in wax dhib ah aysan la kulmin sidaa aawadeedna ay dooneyso in ay horay u sii wadato ujeedkeeda ama go’aankeeda ee ahaa in aysan cadayan.

DAAWO SAWIRADDA



Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments