Saxanka Aduunka Ugu weyn ee lagu Kariyo Roodhiga oo la soo bandhigay… DAAWO SAWIRO
Xaflad lagu soo bandhigayay Saxankaan oo la sheegay in uu yahay midka aduunka ugu weyn ayaa waxaa lagu soo bandhigay Jaziirad aad u yar oo ku taal bariga fog ee qaarada Yurub “diet of Venezuelans” halkaasi oo ay ka soo qeyb galeen dadka deegaanka iyo dadka kale oo lagu cazuumay xafladaasi oo aheyd mid inta badan ay la dhaceen sida ay u soo abaabuleen iyo hanaanka cusub oo ay wax ugu kariyeen Saxankaasi oo ahaa midka haatan ugu weynta inta la ogyahay ee wax lagu karin karo sida ay ku sheegeen dadka Odoraso ama qiimeeya Cajaaibka aduunka ka dhaca.
Shaqada ayaa waxa ay ku bilaabatay ka dib markii ay bilaabeen ilaa 10-Haween oo iskugu qasayay Burka iyo Biyaha la doonayo in lagu sameeyo Roodhiga waxaana inta badan ay isticmaalayeen qalab lagu duulo oo lagu gaarsiinayay Saliida ama Burka guud ahaan daafaha Saxankaasi oo ahaa mid aad u weyn sida aad ka arki kartaan Muuqaalka aan ka soo helnay xafladaasi oo dhacda bisha aynu ku jirno.
Qiyaasta Saxankaasi ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen kooxdii soo bandhigtay saxankaasi in uu yahay mid balac ahaan u weyn dhanka dhirirkana waxaa lagu sheegay in uu dhanyahay ilaa 6-meters taa oo isticmaali kara dhanka koranto ahaan ilaaa 2400 Voltge oo ahaa cabirka ay sheegeen kooxdaasi waxana uu u baahnaanayaa xariga dabeed ama Cable Power dhan ilaa 24000 meters.
45 Daqiiqad ayaa la sheegayaa ka dib in weelkii wixii ay ku gureen kooxdaasi uu bislaaday taa oo la gaarsiiyay dhamaan dadki ika soo qeybgalay xaflada wixii ay meesha ku kariyeen kooxdaasi oo lagu magacaabo HARINA P.A.N, waxaana la sheegayaa in weelkaasi uu qaadi karay ilaa 493.2 kilos oo ah wax karis ama wax lagu karin karo sida ay sheegayaan kooxdaasi.
Aduunkoon aan ku noolnahay waxaa dhaca maalin walba oo ay soo ifbaxdo dhacdo kaa yaabineyso ama kaa nixineyso taa oo astaan u ah calaamadaha lagu garto aduunkaan beenta ah isaga oo idil.
Ruuxii Alle ka baqa waxaa macquul ah in ay waano ugu filnaato dhacdo ku dhacday ama qof kale ku dhacday waana astaana lagu yaqaano ruuxa ay ka dhadhameyso Iimaanka ama Alla ka baqida waana meesha uu ka duulaan tago ruuxaasi Muslimka ah ama ruuxa Eebe uu ugu talago in uu ku waano qaato dhacdadaasi, waxaana dhaca Mucjizooyin waliba isku meel ama kala meel ka dhaca.
DAAWO SAWIRADA
|
|


Print



